ICC oo go'aan ka gaaraysa Kenyatta

Kenyatta Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo mid ka mid ah qareenadiisa.

Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ee The Hague ayaa maanta qabanaysa kulan ay go’aan kaga gaarayso in la joojiyo kiiska ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo inkale.

Mr Kenyatta ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la geystay kaddib rabshadihii xigay doorashadii Kenya ka dhacday sanadkii 2007-da, rabshadahaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1200 oo qof.

Madaxweynaha waa uu diidan yahay eedahaasi.

Dhageysiga maanta ayaa waxaa la filayaa in qareenada Madaxweyne Kenyatta ay ku doodaan in eedaha ka dhanka ah la tuuro.

Kooxda difaacaysa Madaxweynaha ayaa waxa ay ku doodayaan in dacwad oogaha aanu haysan caddeymo ku filan si loo maxkamadeeyo hogaamiyaha Kenya.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta

Mr Kenyatta ayaa naf ahaantiisa waxa uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay mar ay maxkamadda ICC-da ay soo wajahday arrin tan oo kale ah oo ku aadan caddeyn yari kiiska nin la eedaysnaa sidaa lagu hakiyay kiiskaasi oo meesha looga saaray.

Dhankeeda, dacwad oogaha ayaa codsiga qareenada Madaxweynaha Kenya ee ah in la soo afjaro kiiskiisa waxa ay ku tilmaantay mid waqtiisa ka soo hormaray.

Dacwad oogaha ayaa waxa ay dalbatay waqti dheeraad ah si ay u sameyso baaritaano dheeraad ah oo la xiriira kiiskan dafiicay kaddib markii ay ka baxeen markhaatiyaal ay aheyd in ay ku marag kacaan Mr Kenyatta.

Bishii Janaayo, Fatou Bensouda, Dacwad oogaha maxkamadda ICC, ayaa waxa ay dalbatay in maxkamadeynta dib loo dhigo muddo saddex bilood ah.

Madaxweynaha Kenya ayaa lagu eedeeyay in uu maalgaliyay maleeshiyaad maxali ah oo qaaday weerraro aargoosi ah intii uu socday qalalaasihii xigay doorashadii 2007-da.

Madaxweynuhu waa uu iska diiday eedahaasi. Ku xigeenkiisa William Ruto, ayaa wajahaya eedo noocaas oo kale ah, maxkamadeyntiisuna waxa ay bilaabatay bishii Sebteembar ee sanadkii 2013-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan