Daadgurayn ka billaabatay Homs

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mid ka mid ah guryaha Homs ee ay madaafiicda burburiyeen

Rayidkii ugu horreeyay ayaa laga daadgureeyay magaalada go’doonsan ee Homs kaddib heshiis xabbad joojin ku meel gaar ah.

Saraakiisha gurmadka ayaa billaabay in ay magaalda Homs ee dalka Suuriya ka daadgureeyaan kooxa rayid ah kaddib markii labada dhinac ee isku hayo siyaasadda dalka ay ku heshiiyeen xabbad joojin ku meel gaar ah.

Laba bas oo ay saaran yihiin dadka tabarta yar ee rayidka ah ayaa ka ambabaxay qeybta qaddiimiga ah ee magaalada ee ay mucaardka gacanta ku hayaan ee ay hareereeyeen ciidamada dowladda.

Illaa iyo 3,000 oo qof oo rayid ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku go'doonsan yihiin magaalda Homs.

Heshiis xabad-joojineed oo ay wada galeen labada dhinac oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ogolaanayo in sahay la gaarsiiyo magaalada Homs maalinta sabtida ah.

Telefishinka qaranka Suuriya ayaa sheegay in 35 qof oo rayid ah laga daadgureeyay magaalada, kuwaas oo u badnaa carruur iyo dad d'a ah.

Qaybta qaddiimiga ee magaalda Homs ayaa waxa ku hareeraysnaa ciidamada dowladda tan iyo bishii June ee sandkii 2012-kii.

Xaaladda magaaladaasi ayaa waxaa toddobaadkii hore looga hadlay shirkii nabadda ee ka dhacay Geneva.

Wareegga labaad ee wadahadallada ayaa lagu wadaa in ay isla Geneva ka furmaan 10-ka bisha labaad ee sandkan.

Dowladda Suuriya ayaa xaqiijisay in ay ka qaybgali doonto.