QM: Dhimashada Afghanistan oo korortay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee ku dhintay Afghanistan ay kordheen afar iyo toban boqolkiiba sanadkii hore, iyadoo ka dhigtay sanadkii ugu xumaa tan iyo markii Taliban xukunka laga tuuray.

Warbixin Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad saddex kun oo rayad ah ay dhinteen, in kabadan shan kuna ay dhaawacmeen sanadkii 2013ka.

Warbixinta ayaa sheegaty in dadka badankiis lagu dilay bambaano jidka la dhigay. Laakiin waxay sheegtay dagaalka u dhaxeeya milatariga iyo Taliban oo kordhay inuu sii kordhiyay dhimashada rayadka, gaar ahaan dumarka iyo carruurta.