Weerar lagu qaaday gargaarka Homs

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dadka ree Homs oo soo dhawaynaya shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Gaari u siday gargaar magaalada Homs ee Suuriya ayaa weerar lagu qaaday iyadoo ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay.

Dagaal cusub oo dib u bilaabmay ayaa daahiyay gargaarkii la keeni lahaa.

Bisha Cas ee Suuriya ayaa sheegtay in gaarigoodii la xabadeeyay, mid ka mid ah darawalkoodiina la dhaawacay.

Qaramada Midoobay ayaa qabanqaabinaysa dadaalka loogu jiro in loo geeyo cunto, biyo iyo daawo saddex kun oo qof oo jooga meelaha ay maamulaan mucaaradka magaalada.

Dowladda iyo mucaaradka ayaa isku eedeynaya inay jabiyeen xabadjoojinta kadib markii madfac la soo riday subaxnimadii uu daahiyay gargaarkii la keeni lahaa.

Jimcihiii in ka badan 80 carruur, dumar iyo dad waayeel ah ayaa laga soo bixiyay meeshii ay ku xayirnaayeen.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaramada Midoobay ayaa u gaynaysa gargaar ilaa 3000 oo qof magaalada Homs.
Lahaanshaha sawirka
Image caption Waxay isku dayayaan inay gargaar keenaan iyo inay dadka go'doonsan ka qaadaan.

Dadka badankood ee la soo qaaday ayaa u muuqday dad dhibaataysan, waxayna sheegeen inay dhib badan soo mareen hal sano iyo bar ku dhawaad dagaal ka socday magaalada.

Waxay sheegeen rooti la cuno inuusan magaalada ka jirin oo adda badan ay guranayeen cagaar inay cunaan.

Shaqaalaha gargaarka ayaa ka digay in gargaarka la agynayo magaalada uu joogsan karo,sababtoo ah dhinaca dowlada ayaa mar walba diidanaa in lageeyo gargara meelaha mucaaradka ay joogaan.

Haduu gargaarka gaaro magaalada, talaabada kale waxay noqon doontaa in dad kale laga soo bixiyo magaalada.

Dadka la soo bixiyay maalintii koowaad ayaa u sheegay wariyayaasha, in dad badan oo xayiran ay jiraan oo doonaya inay soo baxaan.

Weerarka Homs

Homs ayaa noqotay meel lagu dagaalamo markii uu bilaabmay kacdoonka looga soo horjeedo madaxweyne Assad.

Ciidamada dowladda, ayaa bilaabay weeraro wayn oo ay doonayaan inay kaga qabsadaan mucaaradka meelaha ay ku yaalaan dhismaashii hore ee magaalada horaantii 2012-ka. Waxaa jiray weerar maalin walba oo ay ku dhinteen kumanaan qof. Qaybo badan magaalada iyo xaafado ayaa burburay.

Isniinta ayaa waxaa jira wadahadalo kale oo bilaaban doona, dowladda Suuriya ayaa sheegtay inay ka qayb gali doonto.

Heshiiska xabad joojinta ee gargaarka lagu gaynayo Homs ayaa waxaa saxiixay gudoomiayaha Homs iyo Qaramada Midoobay.