Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Buuq ka dhashay G Wakiilada

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka dhacay buuq iyo gacan ka hadal xildhibaanada qaarkood, kadib markii gudoomiyaha golaha Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi Cirro uu xidhay fadhigii.

Mudanayaal badan oo soo jeediyay mooshin ku saabsan in tirada codadka xilka laga qaadi karo gudoomiyaha laga dhigo 42 mudane ayaa diiday in la xidho fadhiga.

Waxaa kaloo buuq ka dhashay boliis gudaha u soo galay hoolka ka hor intii aanuu fadhigu furmin.

Wariyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa joogay hoolka Golaha Wakiilada oo warbixintan nooga soo diray.