QM oo ka soo qaaday rayad Homs

Image caption Baabuurta gargaarka oo dad ka guraysa magaalada Homs.

Shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guulaystay inay ka soo bixiyaan dumar iyo carruur badan magaalada dagaalka ka socdo ee Homs ee Suuriya.

Shaqaalaha gargaarka ayaa isticmaalaya gaariyo hubaysan iyagoo wada cunto, iyo daawooyin maalin kadib markii gaari Qaramada Midoobay iyo Bisha Cas ay leeyihiin la soo weerarary, ayna ku dhaawacmeen shaqaale dhowr ah.

Warfaafinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in in ka badan lixadan qof oo rayad ah laga soo qaaday magaalada maanta.

Mucaaradka ayaa sheegay in meeshii ay dadka isugu imaadeen in laga soo qaado la weeraray.

Heshiiska xabad joojinta saddexda maalmood ayaa waxaa saxiixay mucaaradka iyo dowladda, si loo ogolaado gargaar inuu gaaro magaalada iyo in dadka ku xayiran laga soo bixiyo.

Heshiiskan ayaa ah heshiiska kaliya ee lagu gaaray wadahadalka nabada ee Geneva, oo dib u bilaaban doono bari oo Isniin ah.