100 ku dhimatay shil diyaaradeed Algeria

Wararka ka imanaya wadanka Algeria, ayaa sheegaya in diyaarad kuwa ciidamada ah ay ku burburtay waqooyi bari dalkaas.

Diyaaradda waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 ruux, sida uu sheegay TV-ga dowladda

Wararka ayaa sheegaya in ay dayaaradu wadday qoysaska ciidamada.

Wax faafaahin ah oo la xiriira cidda saarnayd diyaaradda lagama hayo ciidammada dalka Algeria.