Hollande oo booqasho ku tegay USA

Obama, Hollande

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa booqasho waxay uga billaabatay dalka Maraykanka.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Faransiis ah uu booqasho ku tego Maraykanka 20-kii sano ee ugu dambaysay

Obama iyo Hollande ayaa u duulay gobolka Virginia halkaas oo uu ku yaalla guriga Thomas Jefferson, madaxweynihii sadaxaad ee dalka Mareykanka.

Booqashada Hollande ayaa imaanayso iyadoo taageerada ay u hayaan dadka Faransiiska ay hoos u dhacday.

Labada madaxweyne waxay ka hadli doonaan ganacsiga u dhexeeya, arrimaha Iran iyo welibo isbaddelka cimillada adduunka.

Maqaal ay labada madaxweyne ku soo qoreen Wargaysyada the Washington Post iyo Le Monde, ayay ku ammaaneen dowrka wadajirka ah ee ay ka wadaan bariga dhexe.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in wax laga qabto isbaddelka cimmillada dunida.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan