Wadahadalka Suuriya "natiijo ma leh"

  • 11 Febraayo 2014

Waan-waantii dhinacyada isku haya Syria, horumar weyn kama soo bixin. Dhexdhexaadiyaha, Lakhdar Brahimi, oo ah ergeyga QM, wuxuu labada dhinac ugu baaqay in ay is-khaafinta joojiyaan oo xaqiiqda dhulka iyo dagaalka sokeeye sidii loo joojin lahaa u soo jeestaan.

Waxaa markii horeba shaki ka jiray furitaanka wareegan cusub, balse fool-ka-fool ayay isu soo hor fariisteen. Balse, qir iyo qir ayey gaartay markii dhinac waliba uu halkiisii ku adkaystay.

Mucaraadka, waxaa uu leeyahay dawlad cusub oo uusan hogaaminaynin madaxwayne Bashar al-Assad ha loo dhiso.

Ergada dawladda waxay leeyihiin qodobkaas meeshaba ma yaal, oo lagama wada hadli karo.

Gudaha Syria, Laamaha gar gaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa walaac ka muujiyey halka ay ku dambeeyaan dhowr boqol oo nin oo ka mid ahaa dadkii laga soo daad-gureeyey xaafadda go'doonka ah ee magaalada Xums.

Raggas oo da'doodu u dhexeysa 15 jirro ilaa 55 jirro, waxaa la leeyahay dawladda ayaa xirtay oo baaritaan ku haysa.

Af hayeenka UNHCR, Melissa Fleming, waxay sheegtay in dadkii su'aalaha la waydiinayey qaar la sii daayey, hase ahatee bay tiri Qaramada Midoobay ay ka walaacsan tahay bad-qabka dadka rayidka ah.