Xabadjoojinta Xums oo la kordhiyay

  • 11 Febraayo 2014
Xums Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka ayaa laga daadguraynayaa Xums

Qaramada Midoobey ayaa sheegatay in labada dhinac ee ku dagaallamaya Suuriya ay isku raaceen in saddex maalin oo dheeraad ah lagu daro heshiiska xabad joojinta ee magaalada Xums.

Tan ayaa fursad u siin doonto in dad kale oo badan laga soo saaro halkaasi.

Shalay waxaa Xums laga soo bixiyay 300 oo qof oo ka mid ahaa dadkii mudada ku go'doonsanaa.

Madaxa howlaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay in dhinacyada ay ku guuldareysteen inay si buuxda u oggolaadaan inuusan hakad gelin gargaarka.

Arintaas ayay sheegtay inay dhalisay in 11 qof ay gaajo u dhinteen inta uu howlgalka socday.

Madaxa howlaha Qaramada Midoobey ee dalka Suuriya - Yacqub al Xillo - ayaa sheegay inay wax badan oo dheeri ah sameyn doonaan si ay u caawiyaan dadka reer Suuriya.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wakiilka Qaramada Midoobay Al-Akhdar Ibrahimi ayaa dhexdhexaadinaya labada dhinac

Waxa uu sidoo kale tilmaamay inuu jeclaan lahaa inuu arko samato bixin la mid ah tan ka socota Xums oo ka dhacda qeybaha kale ee Suuriya.

Shalay, wareegga labaad ee wadahadallada dalka Suuriya waxay ka furmeen magaalada Geneva.

Wareegii koobaad ayaa fashil ku dhamaaday kaddib markii ay labada dhinac ku guuldareysteen inay kulamada horumar ka sameeyaan si loo soo afjaro dagaalka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan