Daadad ku dhuftay Ingriiska

Daadadka Ingriiska
Image caption Daadad ayaa ku dhuftay Britain

Daadad ayaa ku dhuftay koonfurta Ingriiska iyadoo ay jirta digniin ah in dabaylo xoog badan ay ku soo socdaan gobolla kale.

Dabaylo ku socda 100 mayl saacaddiiba ayaa la filayaa inay ku dhuftaan galbeedka Wales iyo woqooyi-galbeed ee Ingriiska.

Waxaa haatan la soo saaray digniin ah in dabaylaha ay halis ku yihiin noolosha dadka.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Daadad xoog badan ayaa ku dhuftay Ingriiska

Waxaa kale oo la sheegay in la filayo in dabaylaha ay gaystaan khasaare ballaaran.

Waxaa Koonfurta Ingriiska ka socda dadaallo la doonayo in wax looga qabto dabaylaha halkaas ku dhuftay.

Xoghaya Gadiidka ee Britain Patrick McLoughin ayaa maanta sheegay in dowladda aanay bixin dhaqaale ku filan oo wax looga qabta daadadka ku dhuftay Britain.