Ra'yiga dhagaystayaasha ee mudanayaasha Kenya

Qaar ka mid ah dhagaystayaasheenna nagala xiriira Facebook ayaa ra'yigooda ka soo dhiibtay sheekada mudanayaasha Kenya ee lo keenay qalab akhriyo faraha si loo ogaada kuwa ka soo qeyb gala fadhiyada baarlamaanka.

Cabdikhadar Indhayare: jogana Qaahira: Waxaa leeyahay waa guul kenya hor ha u socoto

Barkhadle Xaaji: Taasi waxay kamid tahay qorshaha dawladnimo waana in Soomaalidu ku dayataa

Fu'aad Faarax: oo jooga Boosaaso wa arin muhiim ah waxna ka tari doonta musuq maasuqa laakin waxaa loo baahan yahay in arintaas oo kale loo sameeyo baarlamaanka Puntland iyo Soomaaliya iyo welibo Somaliland.

Maxamad Mayow: Soomaliyana sidaas si la mid ah baa ku fiicnaan lahayd.

Farax Abu Beereey: Joogana Mombasa kenya anigu waxaan qabaa in la mariyo, waayoo waxay qaataan fuluus bilaa cadad ah [lacagaan la xisaabi karin]

Farax Xuseen: Waa is badal cusub marka kenya malmahan waxa ka jira is badal cusub waana arin waxay yarayn kartaa masuq maasuqii hore