Ra'yiga dhagaystayaasha ee xoriyadda saxaafadda geeska Afrika

Dhagaystayaasha laanta afka Soomaaliga ee BBC kala xiriira Facebook ayaa ku kala aragti duwan xoriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyadoo qaar ay eedayaan weriyayaasha.

Ladan Xasan: Horaa loo yiri af daboolan dahab xur ayaa tahay suxufi ayaa tahay in la maqlay ayaa la iska hadlaa in koontaroolka la ga tago ma fiicno.

Cabdiweli Ciise: waxaan joogaa Hargeisa iska daa saxaafade qofka caadiga ah baan kunoolaan karaynin waayo waad aragtaa dhibaatada haysata aqoonyahanada iyo culimada

Ismael Gurreh (Ismaciil wacays): oo joga Djibouti aniga waxay ila tahay saxaafada geeska Afrika wa mid ka maran xuriyad waxayna u xaglisa koolba xisbigii xilka haya.

Maxamed diifow: oo jooga Boosaaso, Soomaaliya waa meel xaalgeeda cirka ku lalan yahay dhanka saxaafda oo aad loo caburiyo xoriyada qowlka ee Djibouti waaba dowlad dhisan oo dimiquratiyad lugu soo doortay maxaa saxaafada caburiyay?

Faysal Ali: Waxaan anigu odhan lahaa saxaafaddu habarato waxa haboon inay bulshada u soo gudbiso.

Maxamad Cabdule: Saxafaddu waa isha waraka laakin geeska Africa waxay ka tahy danbiile dowladaha geeska africa waxaa ka jira dhibaato, saxfadda waxaan dhihi lahaa ka fogada waxa allaale iyo wixii naftiina qatar galin karo.

Aahmed Ali: oo jooga wadanka South Africa waa nasiib darro waxa ka socda waddamada geeska Africa runtii waxaan odhan lahaa waa jahliga iyo kaligii talinimo ka jirta.

Maxamad Gamaleh: waxan ahay muwadin reer Djibouti ah,waxan ini shegaya inay Djibouti tahay dal saxafadisu xor tahay.

Cali Cabdiraxmaan: jooga Qardho waxay aniga ila tahay in wariyayaasha Soomaaliya jooga la siiyo tababaro waayo mar mar ayaa waxaa dhacda inay wariyaan waraan jirin.

Bashir Cali Hadi: oo joga magalada Jigjiga hada unba Djibouti la ogaday inay kaliged talis tahay wan ku faraxsanahy in wax laga ogado xor la'anta ka jirta Djibouti xaga siyaasadda.

Mukhtar Cudad: oo jooga Hargeisa way adagtahay in Soomaliya weriyayaashu uga shaqeeyaan si xor ah laakiin waxa jira dhinac suxifiyintuna qalad ku leeyihiin oo aanay isku miisaamin warka.