Dagaal ka dhan ah "dablayda" CAR

Bartamaha Afrika Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka Muslinka ah ayaa u cararaya waddamada deriska ah

Madaxweynaha Bartamaha Afrika ayaa ballan qaadday inay dagaal la geli doonto dablayda Kiristaanka ah ee lagu eedeynayo dilka daka Muslinka ah ee dalkaas.

Catherine Samba Panza ayaa sheegtay in dablyadan ay ka tageen wixii loo aasaasay oo ahaa inay difaacaan bulshada.

Waxay sheegtay in haatan ay laynayaan dadka oo isla markaana ay boobayaan hantida dadka rayidka ah.

Balse ninka sheegtay in arrimaha siyaasadda u mas'uul uga yahay ururkaas ayaa sheegay in qalalaasaha ay hurinayaan siyaasiyiinta.

Maleeshiyaadkan ayaa lagu magacabaa Anti-Blaka, waxayna la dagaalamayeen dablayda Muslinka ah ee xukunka qabsatay muddo sanad ka hor.

Madaxweynihii ugu horrey ee Muslin ahaa ayaa is casilay kaddib markii cadaadis la saaray iyadoo lagu eedeynayo inuu wax ka qaban waayay dilka dalkaas ka socday.

Tobonaan kun oo Muslimiinta dalkaas ah ayaa haatan la sheegayaa inay ka cararayaan caasimadda Bangui oo ay tegayaan dalalka deriska ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan