Qarax ka dhacay Muqdisho

Shabaab
Image caption Dumar ka tirsan ururka Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel dibedda ka ah gegida diyaaradaha ee Muqdisho.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarkaas, iyadoo dad kor u dhaafaya 10 ruux ay ku dhaawacmeen.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay weerarka oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaxa qarxa.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in la bartilmaameedsaday kolonyo baabuur ah oo ay leedahay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Weerarkan ayaa imaanaya maalmo kaddib markii ay magaalada dhowr weerar ka dhaceen.

Hoobiyayaal ayaa dhowr jeer oo hore lagu garaacay meel u dhaw gegida diyaaradaha Muqdisho.

Dabley hubaysan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay weerar ku qaadeen xarun ay leeyihiin ciidammada dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa ka baxay Muqdisho muddo labo sano ka hor, balse waxaa uu weerarro is daba joog ah ka gaystaa Muqdisho.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan