Taallo loo dhisay xasuuqii Wagala

Wagala Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Qaar ka mid ah dumarkii ehelladooda ay ku dhinteen xasuuqii Wagala

Magaalada Wajeer waxaa lagu dhisay taallo lagu xasuusan doono xasuuqii Wagala ee "boqolaalka ruux" ay ku dhinteen.

Soddon sano ayaa ka soo wareegtay markii “boqolaal ruux" oo rayid ah lagu laayay gegidii diyaaradaha ee tuulada Wagala oo qiyaas ahaan 15 kilomitir dhanka galbeed ka xigta magaalada Wajeer ee woqooyi bari Kenya.

Kooxaha xuquuqul insaanka iyo ehelada dadkii la laayay ayaa dhacdadaas u aqoonsaday xasuuq, kaasi oo ay sheegeen inay ku dhinteen boqolaal ruux.

Balse dowladda Kenya ayaa in muddo ah diidanayd in wax xasuuq ah uu halkaasi ka dhacay.

Waxa ayna ku adkeysanaysay in 57 qof oo kaliye ay ku dhinteen howlgal amniga lagu sugayay oo halakasi ka dhacay.

Balse bishii October 2000 ayaa dowladda waxa ay si cad u qiratay in khalad uu ka dhacay ciidamada ammaanka.

Si loo xuso dadkii ku dhintay dhacdadaasi ayaa soddon sano kaddib waxaa bartamaha magaalada Wajeer laga taagay taallo.

Taalladaasi ayaa waxaa lagu xardhay magacyada dadkii ku dhintay xasuuqaasi Wagala.

Warbixin uu bilo ka hor soo saaray guddi madax-bannaan oo loo xilsaaray inuu soo uruuriyo tacaddiyada dalka ka dhacay tan iyo xilligii uu xorriyadda qaatay ayaa lagu caddeeyay baaxadda xasuuqaasi Wagala.

Guddiga ayaa sidoo kale soo bandhigay talooyin ah in dowladda ay mag-dhow bixiso balse ilaa haatan laguma tallaaba qaadin arrimahaasi.

In soddon sano kaddib taalo loo sameeyo dadkii lagu laayay dhacdadaasi ayaa waxa ay ahmiyad u leedahay dadka da’ yarta ah ee aan u soo joogin wixii dhacay maalintaasi.