Hub laga aruuriyay J B Afrika

Faransiiska iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ayaa hub ka qabsaday maleeshiyada joogta Bangui ee magaalo madaxda Jamhuuriyada Bartamaha Afrika.

Ciidamada ayaa galay guryaha la aaminsan yahay inay joogaan Kiristaanka weerarka ku haya muslimiinta.

Wasiirka Difaaca ee Faransiiska, Jean- Yves Le Drian, ayaa sheegay in howlaha milatariga ee Jamhuuriyada Bartamaha ee Afrika ay socon doonaan waqti dheer, sababtoo ah dagaalka ka socda waddanka inuu ka badan yahay sidii loo malaynayay.