QM: Hubka waxaa loo geeyaa Alshabaab

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in hub u socday ciidamada dowladda Soomaaliya ay heleen kooxda Alshabaab, sababtoo ah xadgudubyo joogto ah oo ka jira dowladda.

Warbixinta ay soo saareen qabiiro madaxbanaan ayaa sheegeen, in hub isugu jira baasuuke, bambaano iyo rasaas laga keenay Djibouti iyo Uganda aan la ogayn meel ay aadeen.

Warbixinta ayaa ku baaqaysa in dib loogu soo celiyo cuna qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, ee la qafiifiyay sanadkii hore.

Qabiirada ayaa sheegay inay haayaan cadayn in la taliyaha madaxweynaha uu ku lug lahaa qorshaynta in hub loo geeyo Alshabaab.