Wadahadalkii Suuriya oo dhamaaday

Wareegii labaad ee wadahadalka Suuriya ee ka socday Geneva ayaa dhamaaday iyadoon laga gaarin wax horumar ah.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya Lakhdar Brahimi, ayaa raali galiyay dadka reer Suuriya wuxuuna sheegay inuusan sheegi karin waqti la qabanayo wareegii labaad ee wadahadalada. laakiin wuxuu rajaynaa in wadahadalka inay socon doonaan.

Mr Brahimi, ayaa sheegay in wafdiga dowladda Suuriya ka socday ay diideen waxyaabihii looga hadli lahaa wada xaajoodka taasoo ay ku jirto sidii loo samayn lahaa dowlad ku meel gaar ah.

Britain iyo Faransiiska ayaa sheegay in masuuliyada wadahadalka lagu guuldaraystay ay saaran tahay madaxweyne Assad.