Bus lagu qarxiyay Gacanka Sinai

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Baska ayaa waxaa saarnaa dalxiisayaal

Bambaano ku qaraxday bas ay saarnaayeen dalxiisayaal Gacanka Sinai ee Masar ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed.

Darawal reer Masar ah ayaa sidoo kale dhintay, in kabadan toban qofna way dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow xuduuda srael ee Taba. Mintidiin jooga Sinai ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan ciidamada ammaanka tan iyo intii xukunka laga riday Madaxweyne Morsi.