Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ceelal cusub oo laga qoday Somaliland

Meelo ka mid ah Somaliland waxaa laga hirgaliyey Ceelasha riiga ah oo qaar ay gaarayaan ilaa 200 meter ku dhawaad, oo muddo dheer laga faaiideysan doono.

Dhamaadka qodista ceelasha ayaa shir jaraaid waxaa ku qabtay hargeysa wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo faahfaahiyey goobaha ay ku hirgaleen ceelahsas ...Iyo isagoo ka hadlay ballaarinta biyaha Hargeysa.

Shirkii jaraaid kadib wasiirka waxa wareystay wariyaha BBC Axmed Saciid Egeh, oo marka hore waydiiyey meelihii ceelasha biyahan ee cusub laga hirgaliyey.