Diyaarad Itoobiyaan oo la afduubay

Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya Lahaanshaha sawirka Reuters

Diyaarad Itoobiya laga leeyahay oo ka duushay magaalada Addis Aababa kuna socotay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa lagu qasbay inay ku degto magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaddib markii la afduubay.

Gacan-yarihii duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegayaa inuu la wareegay oo uu ku dejiyay Dalka Switzerland.

Waxaa uu codsaday magangelyo siyaasadeed.

Boliiska Switzerland, ayaa xaqiijiyay afduubka diyaaraddan.

Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines, ayaa sheegtay in ay nabad qabaan dhamaan dadkii saarnaa diyaaraddaas.

Waxaa haatan xiran geggida diyaaradaha Geneva ee ay diyaaraddu ku degtay.

Diyaaradda, waxaa saarnaa ugu yaraan 200 oo ruux, shirkadda diyaaradahana waxay sheegaytay in dhamaan ay badqabaan.

Wargayska Tribue de Geneva, ayaa sheegay in diyaaradda la afduubay iyadoo dul maraysay hawada dalka Sudan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan