Toboneeya lagu dilay Nigeria

Boko Xaraam Lahaanshaha sawirka AFP

Dalka Nigeria waxaa laga cabsi qabaa in tobonaan ruux lagu dilay weerar dagaallamayaasha Islaamiga ah ee Boko Xaraam ay ku qaadeen tuulo ku taalla dalkaas.

Senator-ka laga soo doorto gobolka Koonfurta Borno Cali Ndume ayaa sheegay in 106 ruux lagu dilay weerarkan ugu dambeeyay.

Waxaa uu sheegay in boqolaal ka tirsan dagaallamayaasha Boko Xaram ay habeenkii Sabtida ahayd soo weerareen magaalada Izghe.

Waxaa kale oo warkan xaqiijiyay dad rayid ah oo magaalada ka qaxay.

Dablayda ayaa la sheegay in ay guri guri u galayeen xaafaddaha magaalada oo ay ragga ku dilayeen, iyagoo adeegsanaya rasaas.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya afar maalmood kaddib markii 39 ruux oo kale lagu dilay weerar ay fuliyeen dagaallamayaasha Boko Xaraam.

Afhayeen u hadlay milateriga Nigeria ayaa BBC-da u sheegay in ciidammadooda aysan meel kasta joogi karin.

Waxaa uu sheegay in dagaallamayaasha Boko Xaraam ay yihiin kuwo jabhadeynaya.

Waxaa uu kooxdu ku tilmaamay "koox aan awood lahayn".

Ciidammada ayaa horey u joogay magaalada Izghe, balse waxaa ay ka baxeen markii weerar looga dilay 9 askari.

Magaalada Izghe ayaa u dhow soohdinta ay leeyihiin gobolada Borno iyo Adamawa, waxaana dhulkeeda oo keymo iyo buuro u badan ku dhuumaaleysta dagaalyahannada Boko Xaraam.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan