Xisbullah oo "sii wadi doono" dagaalka

Nasrallah Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Sheekh Xasan Nasrallah

Hoggaamiyaha ururka shiicada ah ee Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in ururkiisu sii wadi doono inuu qeyb ka ahaado dagaalka Suuriya.

Dagaalyahanka Xisbullah ayaa ka dagaallama dalka Suuriya iyagoo taageeraya dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Arrintaasi ayaa keentay xiisad ka dhacdo dalka Lubnaan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Suuriya uu ku fido dalkaas.

Waxaa dalka Lubnaan ka dhacay qaraxyo qaarkood lagu beegsanayay xarumha ururka Xisbullah ee dalkaas.

Nasrallah ayaa sheegay in qaraxyada isbaba joogga ah ee haatan ka dhacaya Lubnaan ay qeyb ka yihiin dagaalka ururkiisa uu ka wado dalka Suuriya.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad taageera ururka Xisbullah ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Lubnaan.

Nasrallah, ayaa sheegay in hadafka ururkiisa uu yahay in Al-Qaacida laga hor istaago inay la wareegaan xukunka dalka Suuriya.

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay weeraro is qarxin ahaa oo ka dhacay meelaha ay ku badan yihiin Shiicada taageerta ururka Xisbullah.