Iran iyo quwadaha adduunka oo hadlaya

Iran Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xarunta Nuclear-ka ee Iran

Dowladda Iiran iyo Lixda dowladood ee dunida ugu awoodda badan ayaa waxaa u billawday wareegii ugu horeeyay ee wadahadal lagu doonayo in heshiis looga gaaro barnaamijka Nuclear-ka Iran ee muranka dhaliyay.

Maraykanka ayaa sheegay in wadahadalladu ay yihiin kuwa adag oo aanay jirin caddaymo muujinaya inay guulaysan doonaan.

Wadaxaajoodka ayaa la filayaa in lagu xoojiyo heshiis ku meel gaar ahaa oo bishii November la saxiixday.

Heshiiskaas ayaa Iran ku ogolaatay inay joojiso kobcinta Macdanta Yuraniyamta.

Heshiiska kaddib waxaa Iran laga qaaday qeyb ka mid ah cunaqabataynta caalamiga ee saarneyd.

Iran iyo Mareykanka ayaa labaduba meesha ka saaray in heshiis deg deg ah la gaaro.

Xukuumadda Tehraan waxay weli sheegeysaa in qorsheheedu yahay inay yeelato awood nuclear oo si nabad ah loo adeegsada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan