Shabaab oo sheegatay dilka Kismaayo

Shabab Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Ciise Raas Kambooni

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka mas'uul sare oo dhanka ammaanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo.

Ciise Raas Kambooni ayaa habeenkii xalay lagu dilay magaalada.

Waxaa uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya dhanka nabadsugidda ee maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Waxaa kale oo weerarkaas lagu dilay saddex askari oo ka tirsanayd ilaalada Ciise Raas Kambooni.

Ciidammada Kenya iyo kuwa Raas Kambooni ayaa Al-Shabaab magaalada ka qabsaday dabayaaqadii 2012-ka.

Haatan waxa magaalada ka jiro maammul KMG oo uu hoggaamiyo Axmed Sheekh Maxamad Islan oo loo yeqaanno Axmed Madoobe.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli ka taliyo tuulooyin ku dhaw Kismaayo, waxayna mararka qaar weerar ku soo qaadaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan