Koox sheegatay weerarka dalxiisayayaasha Masar

Masar Lahaanshaha sawirka n
Image caption Weerarrada ka dhanka ah xarumaha nabadsugidda ayaa kordhay

Koox Islaami ah oo xaruntoodu tahay gobolka Sinai ee dalka Masar ayaa sheegtay weerar lagu qaaday baabuur waday dad dalxiisayaal ah xadka Masar iyo Isra'iil.

Kooxdan oo lagu magacaabo Ansar Bayt Al-Maqdis ayaa arrintan ku shaaciyay war ay ku soo qoreen bog ay leeyihin ururrada Jihaad doonka ah.

Weerarka waxaa ku dhintay laba ruux oo u dhashay Koonfurta Korea, iyo darawal reer Masar ah.

Kooxda ayaa sheegatay inay sii wadi doonto weerarrada ay ku qaadaysa ilaha dhaqaale ee Masar.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horrey ee lala beegsado dad dalxiisayaal ah muddo 10 sano ah.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu astaan u yahay is baddel ku yimid istiraatiijiyadda kooxaha la dagaallamaya dowladda uu militeriga taageera ee Masar.

Kooxaha Islamiyiinta ee gobolka Sinai ayaa sare u qaaday weerarrada ay ku qaadayaan xarumaha nabadsugidda ee dalkaas, tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Islaamiga ahaa ee Maxamad Mursi.

Taageerayaasha Mursi ayaa dhigayay dibedbaxyo tan iyo markii xilka laga tuuray bishii July ee sanadkii tegay ee 2013-ka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan