Afar lagu dilay qarax ka dhacay Beirut

Lubnan

Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacday nawaaxiga koonfureed ee caasimda Lubnaan ee Beirut.

Waxaa ku dhintay ugu yaraan afar ruux tiro kalena way ku dahwacmeen.

Weriya ka tirsan BBC-da oo joogo goobta ayaa soo sheegaya in qaraxyada lala eegtay qeyb ka mid ah safaraadda Iran ay ku leedahay Lubnaan.

Deeganakaasi waxaa ku xooggan kooxda shiicada Lubnaan ee Xisbullah.

Kooxda Jihaad doonka ah ee Cabdalla Cazam ayaa sheegatay in ay ka dambaysay weerarka.

Tiro qaraxyo ah oo dhawaan ka dhacay Beirut ayaa la sheegay in ay xiriiri la lahaayeen dagaalka sokeeye ee ka soconya dalka deriska ah ee Suuriya.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa dhowr maalmood ka hor ku eedeeyay ururrada Sunniga ee xiriirka la leh Al-Qaacida inay ka dambeeyaan weerarrada lala beegsanaya goobaha ay ku badan yihiin taageerayaasha ururka.

Shiicada iyo Sunniyiinta Lubnaan ayaa kala taageera dowladda iyo mucaaradka hubaysan ee Suuriya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan