Dalxiiska Masar "oo halis" ku jira

Masar Lahaanshaha sawirka AFP

Ra'iisalwasaaraha Masar Xaazim Beblaawi ayaa sheegay in kooxaha Islaamiga ee hubaysan ee Jasiiradda Sinai ay halis ku yihiin dalxiisayaasha dalkaas.

Mas'uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay inay dhab u qaadanayaan digniin ay soo jeedisay kooxda Ansar Bayt Al-Maqdis oo ah in dalxiisayaasha ay dalkaas ka baxaan meesha lagu gaaro maalinta Khamiista.

Digniintan ayaa lagu soo qoray bog Twitter ah oo la sheegaya in uu xiriir la leeyahay kooxdaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dalxiiska ayaa muhiim u ah dhaqaalaha dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa isku dayaysa inay wax ka qabato kooxaha hubaysan ee ku soo kordhaya Jasiiradda Sinai.

Afhayeen u hadlay safaaradda Masar ee London ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso tallaabooyin ay ku sugaysa ammaanka dadka ajnebiga ee dalxiisayaasha ah.

Kooxdan Ansar Bayt al-Maqdis ayaa beenisay inay adeegsadeen baraha bulshada, balse Reuters waxay sheegaysaa in isla bartan horey loogu soo qoray arrimaha kooxdan.

Kooxdan ayaa warbixin rasmi ah ku sheegtay inay mas'uul ka tahay qarax lala beegsaday baabuur waday dad dalxiisayaal ah oo ay ku dhinteen saddex ruux.

Weerarrada ka dhanka ah dowladda ay militerigu taageeraan ayaa sare u kacay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamad Mursi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan