Dacwadda 20 weriye oo Al-Jazeera ah

Kenya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Weriyayaal ka soo horjeeda xarigga weriyayaasha Al-Jazeera ee Masar

Magaalada Qaahira waxaa la filayaa inay ka billaabato dacwadda 20 weriye oo u shaqeeya TV-ga Al-Jazeera.

Waxaa loo haystaa eedeyma ah inay warar been ah fidiyeen iyo inay caawinayeen ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Dowladda Masar ayaa Ikhwaanul Muslimiinka u aqoonsatay urur argagixiso.

Weriyayaasha la maxkamadaynayo waxaa ka mid ah Peter Greste oo horey ula shaqeyn jiray BBC-da.

Waxaa jirtay cambaarayn caalami ah oo ka dhan ah go'aanka ay dowladda Masar ku xirtay weriyayaasha Al-Jazeera.

Dowladda uu militeriga taageera ee Masar ayaa sheegtay in arrintu tahay mid dhanka sharciga ah.

Waxay sheegtay inay weriyayaashu dalka ka shaqeynayeen iyagoo aan helin fasax shaqo.

Haddi weriyayaashan lagu helo wax dambi ah, waxaa dhici karto in lagu xukumo dhowr sano oo xarig ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan