Facebook oo iibsanaya WhatsApp

Facebook Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ninka aasaasay Facebook Mark Zuckerberg

Facebook ayaa sheegay inuu iibsan doono barta kale ee farriimaha gaagaaban laisku weydaarsada ee WhatsApp.

Facebook ayaa bartan cusub ku iibsanaya lacag dhan 19 bilyan oo dollar.

Saddex bilyan oo doolar oo ka mid ah lacagtan waxaa la siinayaa dadka sameeyay iyo shaqaalaha WhatsApp.

Ninka aasaasay Facebook Mark Zuckerberg ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid wax ku ool ah.

WhatsApp ayaa waxaa aad u adeegsada dhalinyarada aan dooneyn in ay lacag ku bixiyaan fariimaha gaaban ee ay diraan.

Telefoonnada gacanta ayaa lagu adeegsadaa WhatsApp.

Qofka uu adeeggani ugu jiro Mobile-kiisa waxaa uu farriin lacag la'aan ah u diri karaa qofka kale ee isaguna leh isla adeeggan.