Qaraabo aan 60 sano is arag oo kulmaya

Kuuriya Lahaanshaha sawirka AFP

Tiro dad da' ah oo u dhashay Koonfurta Kuuriya ayaa u amba-baxay dhanka xudduuda uu dalkaasi la leeyahay Woqooyiga Kuuriya si ay ula kulmaan eheladooda.

Dadkan ayaan is arag muddo ka badan lixdan sano tan iyo dagaalkii kala qeybiyay gacanka kuriya.

Dadkani ayaa waxay wateen boorsooyin ay ka buuxaan haddiyado ay ka mid yihiin dawooyin, sawirrada qoyska iyo cunno.

Kulankani loo sameynayo qoysaskani horey u kala lumay ayaa waxa lagu qabanayaa goob dalxiis oo ku taala dhanka woqooyi ee xudduudda.

Weli ma aysan dhicin in sidaan oo kale ay qoysas u kulmaan tan iyo sanadkii 2010-kii.

Woqooyiga Kuuriya ayaa marar hore hakisay amaba gebi ahaanba joojisay kulamada noocani ah iyadoo uga aargudanayso tallaabooyinka koonfurta ee aysan jeclaysan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan