Amniga koobka adduunka oo la sugaya

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dowladda Brazil ayaa diyaarisay kumannaan booliis dheeraad ah, kuwaasi oo ilaalo u noqonaya garoommada ay ka dhacayaan ciyaaraha koobka adduunka.

170 kun oo ka tirsan ciidammada booliska ayaa ka qeyb qaadan doonno sugida ammaanka garoommada kubada cagta ee Brazil ee ay ka dhacayaan ciyaaraha koobka addunka.

Madaxweynaha dalkaasi, Dilma Rousseff, ayaa sheegtay in ciidammada milatariga ay ammaanka sugi doonaan haddii loo baahdo.

Dibad baxyo ka dhacay Brazil sanadkii lasoo dhaafay, ayaa walaac geliyay ammaanka ciyaaraha koobka adduunka ee wadankaasi ka dhacaya sanadkan.

Agaasimaha ammaanka u qaabilsan xiriirka kubada cagta adduunka, FIFA, Ralf Mutschke, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Brazil ay si habsami leh u qaban doonto ciyaaraha koobka adduunka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan