Diyaarad Libya oo ku burburtay Tunisia

Libya

Diyaarad militeri oo laga leeyahay Libya ayaa ku burburtay Tunisia.

Waxaa diyaaradda saarnaa 11 ruux, oo dhamaantood la sheegayo inay ku dhinteen shilkaas.

Diyaaradda ayaa ku qaraxday koonfurta caasimadda Tunisia ee Tunis.

Sadeex takhtar iyo labo ruux oo bukaan ah ayaa ka mid ahaa dadka saarnaa diyaaradda.

Lixda kale waxay ahaayeen shaqaalaha.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in dadka Libya ay inta badan dalka Tunisia ugu safraan arrimo caafimaad.