Ammaanka madaxtooyada waa "la sugay"

  • 21 Febraayo 2014
Muqdisho Image copyright AFP

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay inay xaaladda caadi ku soo noqotay kaddib weerarkii Al-Shabaab ee madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay inay dileen 7 ka mid ah dadkii weerarka gaystay.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey u sheegay inuu weeraray madaxtooyada Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday gaari lagu qarxiyay derbiga ku wareegsam madaxtooyada, kaddib rag hubeysan ayaa gudaha u galay madaxtooyada.

Laba qarax oo waaweyn ayaa halkaasi laga maqlay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u sheegay in dablayda ay daqiiqada haysteen masaajidka uu madaxweyna inta badan ku tukado salaadda Jimcaha.

Bar intarneedka ah oo xiriir la leh Al-Shabaab oo lagu magacaabo Somali Memo ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka socday gudaha madaxtooyada.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay inuu badqabo, weerarkuna uu fashilmay.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacidda ayaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka waday soomaaliya tan iyo markii laga saaray caasimadda sanadkii 2011.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan