Venezuela oo u hanjabtay TV-ga CNN

Venezuela Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dibedbaxyada Venezuela

Madaxwaynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku hanjabay in uu wadankiisa ka eryi doona TV-ga CNN, kadib markii uu TV-ga dhawaan ka waramay Dibadbaxyo halkaasi ka dhacay.

Maduro waxaa uu sheegay in uu tallaabo ka qaadi doono warbaahinta CNN hadii aysan sixin sidii ay wax u tebisay.

Madaxwaynuhu waxaa uu horay u sheegay in uu ciidamo u dirayo Gobolka galbeedka ku yaala ee Tachire, halkaas oo ay ka socoto xasilooni darro.

Iyadoo xiisadu ay kacsan tahay ayaa hogaamiyaha mucaaradka Henrique Capriles, waxaa uu ku baaqay in la dhigo dibadbaxyo nabad ah maalinta Sabtida.

Waxaa jira warbixino dheeri ah oo sheegaya in ay jiraan isku dhacdyo dheeri ah gobolka Tachira iyo deegaano ka tirsan Caracas.

Isagoo ka hadlaya shir jaraaid waxaa uu sheegay Capriles in aanay ogolayn qalalaaso, waxaa uuna intaas ku daray in ay diyaar u ahaayeen in la wada hadlo balse dawladdu aysan dhag jalaq u siinin.

Madaxwaynaha oo ka hadlay telefashinka Qaranka waxaa uu mucaaradka ku eedeeyay in ay dardar galinayaan qalalaasaha.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan