Askar ku dhimatay Afghanistan

Kooxda Talibaan ee Afghanistan ayaa dilay ugu yaraan labaatan iyo kow askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan. Weerarka ayaa ka dhacay bariga gobolka Kunar oo u dhow xuduuda Pakistan.

Wasaarada Difaaca ee Afghanistan ayaa sheegtay in boqolaal ajnabi ah ay ka qayb qaateen weerka.

Dagaal culus ayaa wali socda iyadoo ciidamada Afghanistan ay isku dayayaan inay soo daayaan askar la qabtay.