Midowga Yurub oo taageeri doona Ukrain

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mudaaharaadka bilaabmay markii heshiis Midowga Yurub iyo Ukrain la joojiyay.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay siiyaan gargaar dhaqaale Ukrain marka ay yeelato dowlad dimoqraadi ah.

Gudoomiyaha dhaqaalaha ee Midowga Yurub Olli Rehn, isagoo jooga shirka G20 ee dhaqaalaha ee ka socda Australia ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadka reer Ukrain ay ogaadaan fikrada Midowga Yurub, hadda oo ay muujiyeen sida ay u doonayaan inay ka mid noqdaan Yurub.

Shirka G20 ee dalalka ugu dhaqaalaha wayn adduunka, ayaa sidoo kale waxaa gooni u kulmay Wasiirada Maaliyada ee Ruushka iyo Maraykanka si ay uga hadlaan Ukrain. Wasiirka Maaliyada ee Maraykanka Jacob Lew ayaa sheegay in Amerika ay u taagan tahay inay caawiso Ukrain.

Ruushka ayaa wali cadayn inuu bixinayo shan iyo toban bilyan oo dollar oo gargaar oo uu u balanqaaday Ukrain markay jirtay dowladii hore.