Wariyahii BBC Komla Dumor oo la aasayo

Image caption Komla Dumor wuxuuu sheegi jiray barnaamijka Focus on Africa

Aaska wariyihii BBC Komla Dumor, oo dhintay bishii hore isagoo afartan iyo kow jir ah ayaa ka dhacaya magaalo madaxda Chana ee Accra.

Maydkiisa ayaa yaalay kaniisad magaalada. Dad aad u fara badan ayaa ka qaybgalaya aaskiisa. Madaxwynaha Ghana ayaa ka mid ah dad badan oo ag tagay maydkiisa.

Komla Dumor, ayaa ahaa wariye Afrika iyo caalamka caan ka ahaa, Dhagaystayaal ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay dhimashadiisa.

Wuxuu ahaa wariye soo jiita dhagaystayaasha, isagoo waji cusub u sameeyay sida loo sheego wararka Afrika.

Maalintiii labaad ee aaska Komla Dumor ayaa wuxuu ka socdaa Aqalka Baarlamaanka Ghana hortiisa.

Reerkiisa, iyo saaxiibo ka kala yimid caalamka, ayaa ag tagay maydkiisa saakay.