Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sacuudiga oo soo celiyay Soomaali sharci la'aan ah

Waxaa gegida diyaaradaha ee Muqdisho laga dejiyey dad ka badan 200 oo qof oo Soomaali ah oo Sacuudiga laga soo tarxiiley.

Dadkan oo u dambeeyey waxaa ku jira carruur iyo dumar, waxaana Muqdisho ka dejisay diayarad ay leedahay Daalo.

Waa qaybtii u dambeysay in ka badan 12 kun oo qof oo laga soo tarxiiley Sacuudiga dib ugu celinayay Soomaaliya.

Dadkaas qaar ka mid ah ayaa markii ay diyaaradda ka soo degeen waxaa xaaladooda ka wareystay wariyaha BBC Ibraahim Maxamed Adan.