Caro ka dhalatay 50 arday oo la dilay

Nigeria
Image caption Boko Xaraam ayaa sheegtay weerarro horey uga dhacay Nigeria

Gudoomiyaha gobolka Yobe ayaa ciidammada ammaanka ee Nigeria ku eedeeyay in aanay waxba ka qaban weerarrada Boko Xaraam ee dalkaas.

Ibrahim Gaidam ayaa booqday magaalada Buni Yadi halkaas oo dablay hubaysan ku dileen ugu yaraan 50 arday.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in xitaa shan saacadood kaddib markii weerarka uu dhacay aysan jirin xubin ka tirsan ciidamada amniga oo halkaasi tagay.

Ciidammada militeriga ayaa la sheegayaa inay baneeyeen fariisin ay ku lahaayeen goob ka ag-dhaw Iskuulka uu weerarka ka dhacay saacada yar ka hor intaan la weerarin.

Weerarka lagu qaaday Iskuulkan ku yaalla woqooyi bari Nigeria waxaa looga shakisan yahay kooxda Boko Xaraam.

Ardayda ayaa qaar la toogtay halka qaar kalena la gowracay.

Weerarkan ayaa dhacay muddo ka yar 24 saacadood kaddib markii madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono xaaladda amni darro ee ka jirto dalkaas.