Baaq ah inuu Erdogan is casilo

Erdogan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisalwasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan

Mucaaradka Turkiga ayaa ugu baaqay inuu is casilo Ra'iisalwasaaraha dalkaas kaddib markii la soo saaray cod laga duubay isaga iyo wiilkiisa oo ay uga hadlayaan sidii ay lacago tira badan u qarin lahaayeen.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tuyrkiga ee RPP ayaa sheegay in dowladdu lumisay sharciyadeedii.

Xisbiga kale ee NAP ayaa isaguna ku baaqey in baaritaan lagu sameeyo eedeymahaas.

Ra'iisalwasaaraha dalkaas Recep Tayyib Erdogan ayaa ku gacanseyray codkaas la soo bandhigay.

Waxaa uu sheegay inuu yahay mid faalis ah.

Erdogan ayaa ku goodiyay in la ciqaabi doono kuwa mas'uulka ka ah arrintaas.

Dowladda Erdogan ayaa waxaa soo wajahay eedeymo ah inay ku lug leedahay masumaasuq ballaaran.

Xisbiga talada haya ee Erdogan ayaa arrintan ku tilmaamay shirqool looga soo horjeeda dowladda.