Shabaab oo sheegtay qaraxa Muqdisho

Mogadishu
Image caption Qaraxa Muqdisho

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay qarax ay ku dhinteen 12 ruux oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxa lala beegsaday meel u dhaw xarunta sirdoonka ee dowladda Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ruux oo ka mid ah dadka dhintay ay ka tirasan yihiin ciidammada ammaanka.

Dadka kale ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaayadda qaraxa lala beegsaday.

Weerarrada ka dhacaya Muqdisho ayaa sare u kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Qaraxa ayaa imaanaya dhowr maalmood kaddib markii qarax la mid ah iyo weerarro lala beegsaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay inay guddi heer wasiir ah u saartay weerarkii madaxtooyada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan