Afti laga qaadayo gobolka Crimea

  • 27 Febraayo 2014
Image copyright BBC World Service
Image caption Gobolka Crimea

Baarlamaanka gobolka laga taageera Ruushka ee Crimea ee Ukraine, ayaa u codeeyay in gobolkaas laga qaado afti ay dadka ku kala dooranayaan xornimo iyo inay ka sii mid ahaadaan Ukraine.

Gobolkaas ayaa hadda leh ismaamul goboleed.

Sarakiisha dalka Ukraine ayaa mar sii horraysay sheegay in rag hubaysan ay la wareegeen xarunta maamulka ee gobolkaas.

Wararka laga helayay caasimada gobolkaas ee Simferpol ayaa sheegaya in calanka dalka Ruushka laga taagay dhismooyinka.

Qof goobjooge ah ayaa wakaalada wararka ee Interfax u sheegay in ku dhowaad 30 rag ah oo hubaysan oo ay taageerayaan dibedbaxayaal ka soo horjeeda dowladda cusub ee Ukraine ay xoog kula wareegeen xarunta gobolka.

Waxa markii dambe goobtaas hareereeyay booliska.

Ruushku ayaa maalin ka hor waxaa uu heegan sare galiyay 150,000 oo ah ciidankiisa kuwaasi oo ku sugan xuduuda uu Ruushka la wadaago Ukraine.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan