Obama oo Ruushka uga digay Ukraine

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Moscow uga digay in uu cawaaqib ka dhalan doono faragelin lagu sameeyo Ukraine, xilli ay jiraan warar sheegaya in ciidamada Ruushka ay galeen gobolka Crimea.

Madaxweynaha mareykanka Barack Obama ayaa ka digay cawaaqibka ka dhasho haddii Ruushka uu militari ahaan u farageliyo arrimaha Ukraine.

Obama oo ka hadlayay aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo isla ka walaacsan dhaqdhaqaaqa militari ee ciidamada Ruushka ay ka dhex wadaan gudaha Ukraine ayaa sheegay in xadgudub kastaa oo lagu xadgudbo madaxbannaanida dhuleed ee Ukrauine ay ka dhalanayso xasilooni darri.

Waxa uu ku amaanay Ukraine sida ay u muujisay xasiloonida.

Basle safiirka Ruushka u fadhiya qaramada midoobey Vitaly Churkin ayaa tibaaxay in dhaqdhaqaaqa militari ee ciidamada dalkiisa ay ka wadaan gudaha Ukraine ay qeyb ka tahay heshiiska uu Ruushka horey ula galay Kiev.

Dhanka kale Safiirka mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in howl-gal caalami ah oo dhex dhexaadin ah loo diro dalka Ukraine.

Kal hore, safiirka Ukraine u fadhiya qaramada midoobey ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu si sharci darro ah diyaarado militari ugu dirayo gobolka Crimea, waxa uuna intaasi ku daray in ciidamada Ruushka ay dhufeysyo ka galeen gegida diyaaradaha ee ugu weyn gobolkaasi.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ka shiray arrinta Ukraine kaddib markii sii hayaha xilka madaxweynaha dalka Ukraine uu Ruushka ku eedeeyay in uu daandaansi ka wado gobolka Crimea.

Oleksander Turchynov ayaa sheegay in Ruushka uu u dhaqmayo sidii uu horeyba ciidamo ugu diray Georgia sanadkii 2008-kii, waxa uuna ugu baaqay Ruushka in uu ciiidamadiisa kala baxo gobolkaasi.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan