Madaxweynaha CAR oo baaq dirtay

CAR Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha dalka Bartamaha Afrika Catherine Samba

Madaxweynaha Cusub ee jamhuuriyadda bartamaha Afrika ayaa beesha caalamka ka codsatay kaalmo badan, iyadoo dalkaasi ay weli saameyn ku hayaan rabshadaha ku salaysan diinta.

Catherine Samba-Panza ayaa sheegtay in dalka uu ku dhacay dhibaato bini'aadamnimo oo meel xun gaartay.

Waxayna xaqiijisay in xasillooni aan lagu guuleysan karin ilaa laga helayo taageero caalami ah oo aan loo kala harin.

Dalkan Bartamaha Afrika ayaa ku hoobtay dagaallo kadib afgembi bishii March ee sanadkii hore ay maamulka ku qabsadeen koox Muslin ahayd.

Gabadhan ayaa sheegtay inay dhaxashay dal sii burburaya.

Madaxweynihii ka horreyay, Michel Djotodia, ayaa culays lagu saaray inuu is casilo, iyadoo lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay qalalaasaha dalkaas ka socda.

Waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Muslin ah ee dalkaas hoggaamiye ka noqda.

Waxaa xukunka u dhiibay Jabhadda Seleka oo iyadu xukunka ka ridday madaxweynihii isaga ka sii horreeyay ee Francoise Bozize.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan