Dad ku dhintay weerar ka dhacay Pakistan

Pakistan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerar lagu qaaday maxkamad ku taalla Pakistan

Weerar lagu qaaday maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa lagu soo warramaayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 12 ruux, in kabadan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xeer ilaaliyihii maxkamadda ayaa loo maleynayaa inuu ka mid yahay dadka dhintay.

Taliye boolis ah oo lagu magacaabo Maxamad Rizwan ayaa sheegay isagoo ku sugan goobta, in laba qof ay isku qarxiyeen goobta.

Goobjoogaal ayaa sheegay in qaraxa kaddib rag hubeysnaa ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dad badan oo isugu xoomay qolalka maxkamadda, sidoo kalena ay banbooyiin ku tureen.

Weli ma cadda kooxda ka dambaysay weerarka - Ururka Taliban ee dalka Pakistan - ayaa sheegay in aysan weerarka ku lug lahayn.

Dhowr maalmood ka hor ayuu ururka Taliban ku dhawaaqay xabad joojin, si dib loogu billaabo wadahadalka u dhexeeya dowladda iyo kooxda.

Dowladda Pakistan ayaa wadahadalka ka baxday kaddib markii ay Talibaku dileen askar reer Pakistan ahayd oo ku sugnayd gobolka qabaa'ilka ee dalkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan