Uganda oo ciidan gaar ah diraysa

Uganda
Image caption Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya

Ugandha ayaa sheegtay inay 400 oo askari oo gaar ah ay u diraysa Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobey.

Ciidamadan Muqdisho la geynayo ayaa imaanayo kadib weerarkii xarunta Qaramada midboobey lagu qaaday Bishii June ee sanadkii hore iyo kii madaxtooyada bishii hore.

Illaa iyo haatan Soomaaliya waxaa ka socday tallaabooyin ay ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ay amniga ku xaqiijinayaan.

Uganda hadda waxaa Soomaliya ka jooga ciidammo lagu qiyaaso inay gaarayaan ilaa 7000 oo askari.

Magaalada Muqdisho waxaa loo magacaabay gudoomiye cusub oo markii hore Mileteriga ka tirsanaa.

Taasi waxaa loo arkaa astaan ah in dowladdu ay doonayso inay wax ka qabato dhibaatada amaan darro ee dalkaas ka jirta.