Xamaas oo laga mamnuucay Masar

Xamaas
Image caption Taageerayaasha Xamaas

Maxkamad ku taalla Masar ayaa mamnuucday dhammaan howlaha kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee dalkaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in la xiro xafiisyada Ururka Xamaas ee ku yaalla dalka Masar.

Xukunka waxa uu natiijo u yahay falal lagu eedeeyay Xamaas oo uu gudbiyay Qareen lagu magacaabo, Samir Sabri, oo dalbaday in kooxdan Falastiiniyiinta lagu daro ururrada argagixisada.

Xamaas ayaa xiriir la leh ururka Masar laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa go'aanka maxkamadda cambaareeyay.

Waxaa uu sheegay in xukunkaas uu dhaawac ku yahay danaha Falastiiniyiinta.