Dhowr safiir oo lagala baxay Qatar

Qatar Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Boqorka cusub ee Qatar

Dhowr dowladood oo ku yaalla Khaliijka Carabta ayaa safiiradooda kala baxay dalka Qatar.

Dowladaha, Sucuudiga, Imaaraatka, iyo Baxrayn ayaa sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay waxa ay ugu yeereen faragelinta ay Qatar ku samaysay arimahooda gudaha.

War qoraal ah oo si wada jir ah ay u soo saareen ayay ku sheegeen in Qatar ay ku guuldareysatay meel marinta heshiis ammaan oo amiirka dalkaasi Sheikh Tamim Al Thani uu ku saxiixay Sucuudiga bishii November ee sanadkii tagay.

Heeshiiska ayaa Amiirka Qatar waxaa uu la galay golaha wadashaqeynta ee gacanka carbeed.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayay in dalalka Khaliijka aysan faragelin arimaha gudaha ee dalalka kale.

Qatar ayaa talaabadaasi ku qeexay mid la yaab iyo niyad jab leh, waxayna intaa ku dartay inaysan dhankooda la soo bixi doonin safiirrada dalakaasi kaga sugan.

TV-ga ay aasaaskiisa lahaayeen qoyska maamulo dalka Qatar ee Al-jazeera ayay cambaareeyeen dowladda Sacuudiga iyo dowladaha kale ee Gacanka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan